Translate
I Want To...
- Cherry Creek School District No. 5
- Welcome - Somali
Language Supports and Services
Page Navigation
Soo Dhawoow
-
Waalidiinta iyo qoysaska qaaliga ah,
Ku soo dhawoow Dugsiyada Cherry Creek!
Waxaa naga go'an inaan hubinno in ardayda oo dhan helaan waxbarasho wanaagsan oo u sahlaysa inay helaan riyooyinkooda ayna ku guuleystaan ​. Qeyb ka mid ah howlahaasi waxaa ka mid ah hubinta in qoysasku ay haystaan ​​macluumaadka ay u baahan yihiin si ay u taageeraan waxbarashada ardaydooda.
Xafiiska Taageerada Luqadaha iyo Adeegyada wuxuu leeyahay turjubaanada Dhaqanka iyo luqadaha  oo u taageera ardayda iyo qoysaska siyaabo badan.
Waajibaadkooda iyo masuuliyadahooda waxaa ka mid ah:
. Bixinta adeegyada turjubaanka ee shirarka dugsiga iyo kulamada iyo kulamada xafladaha
.Ku caawinta inaad barato oo la xiriirto macalimiinta ilmahaaga iyo shaqaalaha dugsiga
. Ka caawinta helitaanka jawaabaha su'aalahaaga ku saabsan dugsiga, nidaamka degmada dugsiga, iyo Rajoojyinka waxbarasho iyo dhaqanka ee dugsiga
. Diyaarinta shirarka macalimiinta si ay ugala hadlaan dabeecadda ama arrimaha xaadirista fasalka, waxbarashada gaarka ah, tacliinta, ama su'aalaha kale ee aad qabtidWaxaan sidoo kale dooneynaa inaan idiin sheegno in website-kan lagugu turjumi karo luqadaada iyadoo la isticmaalayo taabashada batomka Tusmada turjubaanka Luqadda.
 Riix, taabo ama ku dhufo calaamada "Translate" taabo sumada navigation ee ka hooseeya isticmaal isku xirka Google-Translate si aad u hesho luqadaada.
Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan mawduuca dukumeentiyada ama bogaga shabakadda, waxaad wici kartaa tarjubaankaaga. Waxaana lagu soo dhajiyay macluumaadkiisa boga soo dhaweynta ee luqadaada.
Halkan waxaa ku qoran macluumaadka lagala xiriiri karo (luuqada) iyo xiriiriye dhaqameedka:
Omar Nur (Somali) - 720-554-5650
Waxaan rajeyneynaa in aan kugu taageerno safarka waxbarasho ee ilmahaaga, waxaana kuu rajeyneynaa inaad gaarto guul weyn!
Si daacad ah,
Xafiiska Taageerada Luqadda iyo Adeegyada
Dugsiyada Cherry Creek
Get In Touch
-
Omar Nur
Somali Cultural Liaison
720-554-5650