• Dhamaan dugsiyada degmada cherry creek waa la rirayaa March 13 ilaa March 27

    Gacalilayaa bulshada degmada dugsiyada cherry creek,

     

    Dhamaan dugsiyada Degmada Dugsiyeedka Cherry Creek waa la xiri doonaa laga bilaabo Jimcaha bishan March 13keeda ilaa March 27keed si looga hortago cudurkan ku faafaya dalka gudihiisa iyo caalamka oo dhan korona fayraska(COVID-19).

    Xiritaankan laba-todobaad  waxaa ku jira xanaanada-caruurta. Ma jiri doonto xanaanada caruurta laga bilaabo March 13keeda illaa March 27keeda.

    Waxaan aaminsanahay inay tahay inaan hada talaabo qaadno si aan u ilaalinno caafimaadka iyo samaqabka ardaydayada gaaraysa 55,000, iyo 9,000 ee shaqaalaha ah iyo bulshada aan ku nool nahay.

    Kooxda wax ka qabashada masiibada ee degmadu waxay sii wadi doontaa kulanka maalinlaha ah si ay ula socdaan xaaladda oo ay talo iiga soo jeediyaan  ku saabsan inay nabad iyo suurta gal tahay  inay ardayda iyo shaqaalaha  soo noqdaan March 30keeda.

    Waxaan la yeeshay wadahadalo badan saraakiisha caafimaadka maxlliga ah iyo kuwa gobolka, hogaamiyaasha bulshada iyo xubnaha kooxda ka hortagga aafada. Waan ogahay in xidhitaanka iskooladeena inay saameyn balaaran ku yeelan doonto qoysaskeena, laakiin waxaan sidoo kale aaminsanahay in talaabo adag, oo deg deg ah  la qaado si looga hortago fiditaanka cudurka iyo in la ilaaliyo nolosha.

    Jimcaha waxay noqon doontaa maalin shaqo. Hadii ardaydu wax kaga tageen dugsiga oo ay u baahan yihiin in wax ka qaataan dugsiga, waxay aadi karaan dugsiga Jimcaha, March 13, oo waxay iska xaadiri karaan xafiiska weyn saacadaha iskoolka ee caadiga ah.

    Inta lagu gudajiro xiritaanka, dhamaan iskoolada iyo xarumaha degmada waxay mari doonaan "nadiifin" dheeri  oo heer sare ah oo jeermiska lagaga nadiifinayo. Waxaan idinku dhiirigelinaynaa guriga intaad joogtaan inaad sii wadaan dhaqitaanka gacmaha iyo waxyaabo kale ee talooyin ka socda CDC  ee ku saabsan sida looga fogaado faafitaanka cudurkan.

    Waxaan idiin soo diri doonaa waxii macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cuntada degdegga ah, iyo sdii loo heli lahaa  ilaha waxbarashada ee internetka . Fadlan ka fiiri waxii cusub bogan www.cherrycreekschools.org/coronavirus for updates.

    Hadafkeygu had iyo jeer waa inaan ilaaliyo amniga, caafimaadka iyo wanaaga ardayda, shaqaalaha iyo qoysaska. Iyada oo ay jirto hubanti la’aanta iyo cabsida ay musiibadaani keenayso, xooggeena bulsho ahaan ayaa ah maal-gashiga ugu weyn. Waan ka wada shaqeyn karnaa si aan isu ilaalino oo aan u gaabinno horumarka COVID-19.

    Waxaan sii wadayaa xiriirka aan la leeyahay saraakiisha caafimaadka dadweynaha, hoggaamiyeyaasha la soo doortay iyo kuwa iskuullada degmooyinka oo aan kula socodsiin doono macluumaad cusub markii ay diyaar noqdaan. Waxaan kaaga mahadcelinayaa taageeradaada iyo iskaashiga aad la gashay dadaalkan.
    Badbaado. Caafimaad qab.

    Kormeeraha guud Dr. Scott Siegfried

Last Modified on June 5, 2020