• Subject: Xiritaanka Iskoolada yaa la kordhiyay ilaa Bisha Abriil 30keeda

     

    Gacaliyeyaal Bulshada Degmada Cherry Creek,

     

     

    Maanta, Guddoomiyaha gobolka Polis wuxuu ku dhawaaqay inuu kordhiyay amarkii xiritaanka iskoolada gobolka oo dhan illaa bisha Abriil 30keeda. Dhamaan dhismayaasha Iskoolada Degmadda Cherry Creek way sii xirnaan doonaan ugu yaraan ilaa bisha Abriil 30keeda waxaana sii wadi doonnaa inaan diirada saarno barashada fog ee internetka.

     

    Waxaan la shaqeynayaa gudiga waxbarashada si aan u gaaro go'aan ku saabsan hadii ay macno u sameyso caafimaadka iyo badbaadada jaaliyadeena in la xiro dhismayaasha iskoolkeena inta ka harsan sanadka isla markaana aan ku dhameysano sanad dugsiyeedka iyada oo loo marayo barashada fog ee internetka. Go'aan walba oo la qaato waan idinla la soo xiriirayaa mustaqbalka dhow.

     

    Waqtigaan la joogo, waxaan sii wadi doonnaa inaan diiradda saarno oo aan hagaajinno barashada fog ee internedka, si ardayda ay u ilaashadaan khibradahooda waxbarasho . Waxaan la shaqeyn doonaa kooxdeena si ay ula socdaan aarintan ishana loo hayo hagida gobolka iyo hagida qaranka ka hor inta aan go'aan kama dambeys ah ka gaarin dhamaadka sanad dugsiyeedkan. Ahmiyadayda ugu weyn waa markasta caafimaadka iyo badbaadada ardaydeena gaaraysa ila 55,000, iyo 9,000 oo shaqaale ah iyo bulshada aan kunool nahay.

     

     

     

    Badbaadi iyo. Caafimaad qab.

     

    Scott A. Siegfried, Ph.D.

    Kormeeraha Guud

Last Modified on June 5, 2020