• Gacaliyeyaal Fasalada Ardayda Qalinjabisay iyo Waalidiitooda ee CCSD:

    Degmo Dugsiyeedka Cherry Creek wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo in, annaga oo la shaqeyneyna Waaxda Caafimaadka ee Tri-County, waxaan sameynay qorshe cusboonaysiin ah oo loogu talagalay xafladaha qalin-jabinta kaasoo u oggolaanaya qalin-jabiyaha kasta inuu keeno laba qof oo marti ah. Munaasabada xafladaha ayaa wali ah mid si toos ah loosoo bandhigi doono si xubnaha qoyska iyo saaxiibada dheeraad ah ay ugu daawadaan khadka tooska ah ee Internedka.

    Munaasabada xaflada lixdeena dugsi sare ee caadiga ah waxaa la qaban doonaa 8 subaxdii. xarunta Stutler Bowl, oo ku taal 4700 S. Yosemite Street, Greenwood Village, 80111, sida soo socota:

    • Grandview Dugsiga Sare – 8 subax., Isniin, July 27 goobta  Stutler Bowl
    • Smoky Dugsiga Sare – 8  , Talaado, July 28 goobta    Stutler Bowl
    • Overland Dugsiga Sare – 8 subax., Arbaco, July 29 goobta  Stutler Bowl
    • Cherry Creek Dugsga Sare – 8 subax., Khamiis, July goobta Stutler Bowl
    • Eaglecrest Dugsiga Sare – 8 subax., Jimco, July 31 goobta Stutler Bowl
    • Cherokee Trail Dugsiga Sare – 8 subax., Sabti, August 1 goobta Stutler Bowl

     

    Munaasabadda xaflada ee Akadeemiyada Endeavor iyo Cher Creek Elevation waxaa lagu qaban doonaa Xarunta Wax barashada ee Fremont, oo ku taal 14603 E. Fremont Avenue, Centennial, 80112, sida soo socota:

     

    • Cherry Creek Elevation – 12 duhurkii Isniin, July 27 goobta Fremont Learning Center
    • Endeavor Academy – 11 subaxdii Talaado, July 28 goobta Stutler Bowl

     

    Waxaa laga filayaa filasho qof walba oo soo xaadira ka qeyb gala xaflada inuu xirto maaskaro ama waji soo daboolo ayna ixtiraamaan tilmaamaha kala-fogaanshaha bulshada.

     

    Fadlan fiirso emaylkaaga si aad u hesho macluumaad dheeri ah, oo gaar ah oo ka socda dugsigaaga oo ku saabsan qalin-jabinta.

     

    Waxaan ku faraxsanahay in aan awoodno inaan calaamadeynno heerka koowaad ee qalin-jabinta oo aan u dabaaldegno guulaha laga gaaray Fasalka 2020 qaabkan muhiimka ah, anagoo sidoo kale ilaalinayna caafimaadka qalin-jabiyaasheena, qoysaskooda, shaqaalaheena iyo bulshadeena.

     

    Waxaan sugeynaa inaan kugu aragno qalinjabinta!

Last Modified on June 30, 2020